U bood dhigaalka

Cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska oo tartan looga furay Muqdisho

Waxaa dugsiga tababarrada ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee jenaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad tartan qur’aan loogu daahfurayay cutubyo halkaas carbis uga socda oo dhowaan kamid noqan doona Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa waxaa ka goobjoog ka ahaa wasiirro Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka tirsan, Taliyaha Ciidanka booliska, culumo awdiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, waxaana masuuliyiintii meesha ka hadlay ay bogaadiyeen tartankan oo ah mid dhif ah markii la fiiriyo shaqooyin adag iyo hab-dhaqanka ciidamada Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka booliska Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan in ciidamadu ay noqdaan kuwo diinta si feecan u yaqaan, islamarkaana askarta ay qoranayaan ay ku dooran doonaan aqoonta iyo xafidsanaanta qur’aanka Eebbe si lamida shahaadooyinka jaamacadaha.

Tillaabadan ayaa loo arkaa mid wax weyn ka badeli doonta hab-dhaqanka ciidanka Booliska oo loo baahanyahay inay noqdaan kuwo bulshada saaxiib la noqda, islamarkaana ilaalinta anshaxa guud iyo ka hortagga dembiyada u xilsaaran.