U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dhisayso garoon cusub badeli doona Aadan cadde

Agaasimaha guud ee hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in dowladdu ay ku howlantahay dhismaha garoon cusub oo lagu badelayo midka Aadan cadde oo uu sheegay inuu cariiri yahay, islamarkaana uu ku yaalla goob aan ku habboonayn garoon caalami ah.

Agaasimaha ayaa sheegay in ay dowladdu qorshanayso inay dhismaha garoonkan cusub laga hirgelin doono meel magaalada ka baxsan, islamarkaana dhulkii gegidaas diyaaradeed laga dhisi lahaa hadda gacanta lagu hayo.
Garoonka Aadan cadde ayaa ku yaalla goob cariiri ah oo dacalka ku haysay xaafado ay dad shacab ahi deganyihiin, taas oo xeeldheereyaasha arrimaha duulimaadyadu ay ku tilmaamaameen halis baaxad leh, wuxuuna Agaasimuhu sheegay inaysan goobtaasi u qalmin garoon diyaaradeed oo hormarsan.