U bood dhigaalka

Hawlgallo lagu laayay xubno ka tirsan Shabaab oo ka dhacay Gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe

In ka badan 19 ka tirsan Shabaab ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay deegaanno ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda.

Hawlgalka koowaad oo socday muddo ka badan 24-saac ayaa ka dhacay tuulada Geed Ma’arke oo hoos tagta Degmada Ruunirgood, halkaas oo ay isku diyaarinayeen Shabaab, goobtaas ayaa lagu dilay ilaa iyo 14 ka tirsan Shabaab.

Hawlgalka labaad ayaa lagu beegsaday goob Isbaaro u ahayd cadowga oo ay doonayeen inay ku baadaan dadka safarka ah, kuna taalla deegaanka Ceel Heelle, waxaana goobtaasi lagu dilay shan xubnood sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale fariisinka Ceel Heelle waxaa lagu burburiyay gaadiid dagaal oo cadowgu kala soo baxsadeen halka uu ka dhacay howlgalka koowaad, kuwaasi oo ay ku jiraan gaari nooca loo yaqaano Cabdi-Bilaha iyo gaari booyad ah.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibbaarey howlgallada ka dhanka ah Shabaab iyadoo dowladda ay ka go’antahay dagaalka ka dhanka ah Shabaab.