U bood dhigaalka

Muxuu daarranyahay safarka Hanti-dhowraha qaranka ee dalka Norway

Hanti-dhowraha Guud ee JamhuuriyaddaFederaalkaSoomaaliya, mudane Axmed Ciise Guutaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaas oo uu kulamo kula duwan kula qaadanayo madaxda ururrada Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka dunida ee loo soo gaabiyo(INTOSAI) iyo Hindisaha Caalamiga ah ee Horumarinta Hay’adaha Hantidhowrka Adduunka (IDI).

Sidoo kale, Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo booqday Baarlamaanka Norway ayaa kulan ku saabsan wadaagga xirfadaha iyo waayo-aragnimada la yeeshay Guddiga Joogtada ah ee Kor-joogteynta iyo Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Norway.

Hantidhowre Axmed Ciise Guutaale ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya hay’adaha kale ee ka shaqeeya hufnaanta iyo horumarinta dalka Norway, waxayna kulamadaasi daarranyihiin sidii ay dhinacyadu wada-shaqayn iyo xariir iskaashi u yeelan lahaayeen.

Hanti-dhowrka Soomaaliya ayaa kamid ah Hay’adaha laf-dhabarka u ah hormarka dhaqaalaha iyo hufnaanta adeegsiga maaliyadda, waxaana lagama maarmaan ah in awooddiisa iyo waxqabadkiisa la kordhiyo sida ay xeeldheereyaashu qabaan.