U bood dhigaalka

Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashandhigga XFS oo qaabilay wefdi ka socda Ururka bariga iyo bartamaha Afrika

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Cabdi ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay wafdi saraakiil ah oo ka socda ururka bariga iyo bartamaha Afrika ee ay Soomaaliya xubinta ka tahay.

Ujeedada safarka wafdigan ayaa ahaa is dhexgalka iyo sidii ay Soomaaliya ay warbixin uga siin lahaayeen shaqada Guddiga Difaaca ee ururka bariga iyo bartamaha Afrika oo Soomaaliya kaalin muhiim ah ka qaadan doonto iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Difaaca.

Wasiir Cumar ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dardargalin doona hawlaha muhiimka ah ee ku saabsan ururka bariga iyo Bartamaha Afrika, sida lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda.