U bood dhigaalka

Isku dhacyada dhallinyarada Soomaalida ku nool Nairobi oo sii kordhaya iyo dowladda Kenya oo tillaabo qaaday

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday falal nabad-gelyada lid ku ah oo ay wadaan dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo hab qabiil u abaabulan, islamarkaana hayb ahaan u beegsanaya shaqsiyaadka beelaha kale ka soo jeeda ee ay ku tuhmaan inay qof ay ayaga is xigaan dhaliilaan.

Falalka noocaas ahi ay socdeen waxaa lagu jir-diley, islamarkaana muuqaallo foolxun looga duubay dhowr qof oo dhallinyaro ah, waxaana sii kordhayay walaaca nabad-gelyo ee ay qabaan dadka Nairobi ku nool, gaar ahaan kuwa baraha bulshada caanka ka ahi.
Haddaba dowladda Kenya oo dhowr jeer loogu baaqay inay arrintan wax ka qabato ayaa qaaday tillaabo ay uga hortagayso Falalkan amniga lidka ku ah, waxayna mamnuucda calaamada qabiillada Soomaalida ee kulamada dadweynaha lagu muujiyo, ayadoo la filayo inay sidoo kale joojin doonto hadallada kicinta ah iyo muuqaallada dhiillada leh ee lagu baahinayo baraha bulshada dalkaas, gaar ahaan kuwa Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee falalka maalmihii la soo dhaafay ka socday Nairobi ayaa abuuray qalqal nabad-gelyo iyo kala qeybsanaan bulsho, taas oo ay horseedeen is beegsiga beelaysan iyo dhacdooyinka foosha xun ee halkaas ka socday.

Goobjoog.com