U bood dhigaalka

Dhallinyarada baabuurta isku dhigaysa oo muqdisho ku soo badanaysa iyo halista ka dhalan karta.

Dhallinyarada gaadiidka socda isku dhigaysa si ay muuqaallo soo jiidasho leh isaga duubaan ayaa muqdisho ku soo badanaya, taas oo ah halis baaxad leh oo dhimasho sababi karta.

Booliska Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabay askar iyo xubnaha kale oo ayagoo hubka fudud ee ciidanka dadka ku cabsi-gelinaya  baabuurta jidadka maraysa hortooda kuraas iska dhiganaya, balse dhaqankaas ayaa u muuqda mid sii xoogaysanaya.

Saacado ka hor waxaa baraha bulshada qabsaday sawirka wiil dhallinyaro ah oo la sheegay inuu isku dhigay gawaarida ciidamada midowga Afrika ee ATMIS, waxaana warar aan la xaqiijini tilmaamayaan in ciidankii baabuurtaas saarnaa ay ku signeen inay toogtaan.

Inkastoo ay dhaqan xumo soo korortay tahay, haddana arrintan haddii aan laamaha nabad-gelyadu wax ka qaban waxay keeni kartaa khasaare nafeed waxaa-yeelay gaadiidka ay dhallinyaradani isku dhigayaan waxaa ku jira qaar bareeg la’aan ah oo aan waduhu si fudud u xakamayn karin iyo kuwo ciidan oo laga duubo inay qofka hor istaagaya moodaan inuu qarax ku xiranyahay ka dibna toogtaan.