U bood dhigaalka

Waa kuma Sargaalka Soomaaliga ah ee loo doortay madaxweyne ku xigeenka golaha sharciga militariga Afrika

Gaashaanle Sare Axmed Khaliif Jiinow oo ah Sargaal  sare oo kamida ku xegeenada xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka golaha sharciga militariga Afrika, asagoo ku matalaya dalalka dhaca bariga qaaradda.

Doorashadan uu gaashaanle Axmed Khaliif ku soo baxay ayaa ka dhacday magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia, waxaana ka qeyb-galay wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah golaha ee qaaradda Afrika.

Golahan oo ka shaqeeya Arrimaha la xariira xeerarka iyo sharciyada militariga Afrika ayaa ka kooban wakiillo iyo ergooyin matala shanta gobol ee qaaradda Afrika u qeybsantahay.