U bood dhigaalka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Hay’adda IFC oo si wadajir ah u martigeliyay aqoon iswaydaarsi ku saabsan xeer-nidaamiyayaal muhiim ah

Sheeko:War

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashaneysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa qabatay aqoon-isweydaarsi diiradda lagu saarayo xeernidaamiyeyaasha tartanka suuqa isgaarsiinta iyo xargaha fiberka badda.

Aqoon-isweydaarsigan, oo ka socon doona labo maalmood magaalada Nairobi, ayaa isugu keenay daneeyayaasha muhiimka ah ee qaybta isgaarsiinta Soomaaliya, oo ay ku jiraan shirkadaha Isgaarsiinta, khubarro, iyo madax iyo saraakiil ka tirsan dowladda, si ay uga wada hadlaan qaab-dhismeedka xeer-nidaamiyayaal qaabeyn doona mustaqbalka kaabayaasha dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

Aqoon-isweydaarsigu, oo qayb ka ah qorshaha istiraatiijiyadeed ee HIQ ee kor u qaadida isku-xirnaanta qaranka, ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah sida shatiyeynta soo degista xargaha badda hoosteeda, tixgelinta saamaynta deegaanka, wadaagga kaabayaasha, iyo dhiirrigelinta tartanka qaybta isgaarsiinta. Xeer-nidaamiyayaashan ayaa ujeedkoodu yahay in la waafajiyo qaab-dhismeedka isgaarsiinta Soomaaliya heerarka caalamiga ah, taasoo taageeraysa yoolalka horumarinta dhaqaalaha qaranka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo furay aqoon-isweydaarsiga, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay aqoon-isweydaarsiga, isagoo xusay sida shirkadaha gaarka loo leeyahay ay uga qayb qaateen soo kabashada iyo koritaanka dhaqaale ee dalka.

Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya hay’adda iyo daneeyayaasha isgaarsiinta intii uu socday hadalladiisa la xiriira aqoonsi-waydaarsiga.