U bood dhigaalka

Ugu 40 qof oo lagu diley weerar ay Israa’iil ku qaaday xero ay dad barakacayaal ahi degganyihiin oo taalla Qasa

Wararka ka imaanaya marinka Qasa ayaa sheegaya in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen, halka 60 kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay Israa’iil ku qaadday xero ay deggan yihiin Falastiiniyiin ka soo barakacay koonfurta Qasa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa intaas ku daraya ugu yaraan 20 teendhooyinka barakacayaasha ah oo ku yaal aagga al-Mawasi ee Khan Younis la weeraray subaxnimadii Talaadada, sida laga soo xigtay hoggaamiyaasha Falastiiniyiinta.

Dagaalka Qasa oo socda muddo 11 bilood ah ayaa sababay dhimashada ku dhowaad afartan iyo kow kun oo qof, halka dhawacuna uu 100000 kun oo ruux qarka u saaranyahay, ilaa haddana ma muuqdo xal lagu soo afjarayo xasuuqa ay Israa’iil ku hayso dadka reer falastiin ee aan wax galabsan.