U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay natiijada Imtixaankii ay ka qaaday macalimiinta Soomaaliyeed

Sheeko:War

Wasaaradda Waxbarashada oo shaacisay natiijada Imtixaankii ay ka qaaday macalimiinta Soomaaliyeed

Sida ka muuqata Natiijada ay Wasaarado shaacisay waxaa loo baahnaa Saddex kun oo macalin balse hadda laba kun ayaa soo gudbay.

Tirada guud ee soo codsatay: 26,570

  • Tiradan waa tirada guud ee dadka codsaday in ay ka qeybgalaan imtixaanka balse qaarkood waxa ay ku hareen hubinta Shahaadooyinka.

Tirada dadka imtixaanka usoo gudbay: 13,252

  • Ka dib marka dadka ay soo gudbaan qaybta hore ee imtixaanka, tiradan ayaa ah dadka xaq u yeeshay inay galaan imtixaanka dambe qoraalka ah.

Tirada dadka imtixaanka galay: 10,333

  • Tani waxay muujineysaa tirada dadka dhamaantood ee galay imtixaanka dambe, kuwaas oo loo diyaariyey in ay ka qaybgalaan qaybaha kala duwan ee imtixaanka. Tirada dadka imtixaanka Afka usoo gudbay 2,098
  • Tiradan waxay muujineysaa dadka soo gudbay qaybta imtixaanka Afka ah oo ah qeybta ugu dambeysa.