U bood dhigaalka

Ergeyga madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha xasillinta oo kulan la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xalisinta iyo Ilaalinta Arimaha Rayidka, Mudane Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa kulan wadatashi ah kula yeeshay Magalada Muqdisho Saafirka u fadhiya Midowga Yurub Soomaaliya, Marwo Karin JOHANNSON.

Ergayga Ayaa sharaxaad ka bixiyey hawlgaladii ugu danbeeyey ee lagu xoreeyey deeganada Jubaland oo ay kamid yihiin Buulo Xaaji, Harboole iyo Janay Cabdalle, isagoo sidoo kale xusey dadaaladii lagu furay waddada u dhaxaysa Kismaayo iyo Afmadow. Ergayga ayaa faahfaahin ka bixiyay xasilinta laga sameeyey Deeganada Galmudug, Konfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Mudane  Cumar Xaashi, ayaa dul istaagay muhiimada ay leedahay in la helo xasilin waarta iyo sidii wax looga qaban lahaa kaabayaasha dhaqalaaha; biyaha,  waxbarashada, caafimaadka iyo sidii bulshada ku dhaqan deeganada la xoreeyey loogu tababari lahaa wax soosaarka beeraha , kaluumaysiga iyo dhaqashada xoolaha nool.

Danjire Karin Johansson, ayaa soo dhawaysey dedaallada xukuumadda Federalka Soomaaliya ay ugu jirto xasilinta iyo Ilaalinta arrimaha rayidka,  iyo sidii deeganada la xoreeyay si degdeg ah loo gaarsiin laha adeegyada xasilinta, taasi oo kor u qaadaysa horumarinta iyo kobaca deeganada.