U bood dhigaalka

Taliyaha ciidanka XDS oo xarunta Taliska Ciidanka ku soo dhaweeyay saraakiil ka socata dalka Talyaaniga

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin caddow ayaa maanta xarunta Taliska Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyay wafdi sare oo ka socday Dowladda Talyaaniga islamarkaana uu hoggaaminayay S/Gaas Alessandro Grassano.

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya iyo wafdiga ka socday dowladda Talyaaniga ayaa ka wada-hadlay arimaha ay ka mid yihiin qorshaynta dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wada shaqeynta dhanka Ciidamada ee labada dal.

Taliyaha Ciidanka waxaa kulanka soo dhoweeynta ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha XDS Admiral Cabdi Warsame, iyo qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka XDS.

Wafdiga ka socday Dowladda Talyaaniga ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho, waxayna ka mahad-celiyeen sida quruxda badan ee loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.