U bood dhigaalka

Ciidanka xoogga oo gacanta ku soo dhigey nin isku dayay inuu weerar ka fuliyo degmada Galhareeri

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa gacanta ku soo dhigay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, ka dib howlgal ay ka fuliyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Ninkan gacanta lagu soo dhigay ayaa kooxda Alshabaab u qaabilsanaa arrimaha maaliyadda iyo askareynta carruurta, waxaana inta howlgalku uu socday ay sidoo kale Ciidanku soo qabteen saanad ciidan oo isugu jirta qori AK-47 ah iyo caag rasaas ah, iyo gaari noociisu yahay Suzuki.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa ka socda gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka, waxaana maalmihii la soo dhaafay aad u soo badanayay xubnaha Alshabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka.