U bood dhigaalka

Madaxweynaha Mareykanka oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya  u fadhin doona magaalada Washington Danjire Daahir Xasan (Daahir Carab).

Danjire Daahir Carab ayaa Madaxweyne Joe Biden gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Danjire Daahir Carab oo muddo dheer guddoomiye ka ahaa jaamacadda SIMAD ayaa dhowaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi mareykanka oo kamida dalalka ugu muhiimsan ee ay JFS xariirka la leedahay.