U bood dhigaalka

Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyey deegaanno hoostaga magaalada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgallo qorsheysan waxay ka fuliyeen tuulooyin dhowr oo dhaca Galbeedka Magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.

Deegaanada ay ciidanku howlgallka ka sameyeen ayaa kala ah hiibow, Mey kooreebin, iyo bunka oo qiyaastii 20km u jira Magaalada Xuddur, dhinaca galbeedna uga beegan.

Howlgalka waxaa hogaaminayey Taliyaha guutada 9-aad Gaashanle dhexe Yoonis aadan Xasan, iyadoo ujeedku ahaa in Alshabaab laga saaro goobaha ay ku suganyihiin ee deegaanada dhaca galbeedka magaalada Xuddur .

Gobolka Bakool ayaa kamid ah meelaha ay si xoogga leh uga socdaan howlgallada ka dhanka ahaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo ay wadaan ciidanka xoogga Dalku.