U bood dhigaalka

Maamulka Abii Axmed oo walaac ka muujiyay hubka ay dowladda Soomaaliya ka keensatay dalka Masar

Ayadoo ay dowladda Soomaaliya dhowaan dekedda muqdisho kala soo degtay saanad ciidan oo hub culusi ku jiro, islamarkaana ka timid dalka Masar ayaa waxaa arrintaas walaac xooggan ka muujiyay maamulka Abii Axmed.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo ka hadlay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in hubka ay dowladda Soomaaliya keensatay uu xaaladda uga sii darayo, islamarkaana ay inuu Alshabaab gacanta u gali ay ka cabsi qabaan.

Hadalka wasiir Taye Atske ayaa imaanaya xilli maalmo ka hor Itoobiya hub aan oggolaansho dowladeed ay soo gelisay deegaannada Puntland, waxaana muuqanaysa in xukuumadda Addis Ababa aysan raali ahayn koritaanka cududda militari ee Soomaaliya iyo hormarka laga samaynayo la dagaallanka kooxda Alshabaab.