U bood dhigaalka

Warbaahinta dunida oo si weyn u hadal-haysa hubkii ay dhowaan Dowladda Soomaaliya Masar ka keensatay

Warbaahinta dunida ayaa si weyn u hadal-haysa hubkii ay dhowaan dowladda Soomaaliya kala soo degtay dekedda muqdisho, kaas oo ay ku tilmaamayaan mid wax weyn ka badeli doona xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shabakadda Aljazeera oo laga leeyahay dalka Qatar ayaa sheegtay in Saraakiil ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay xaqiijiyeen in hubkan ay ku diyaaradan gantaallada lidka diyaaradaha iyo madaafiicda culusi, islamarkaana uu sare u qaadi doono awoodda dhinaca militariga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Masar ayaa soo gaarsiiyay Soomaaliya keyd labaad oo hub ah oo ay ka mid yihiin qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiicda, sida ay saraakiishu sheegeen, iyadoo tani ay u badan tahay inay sii hurinayso colaadda u dhexeysa labada dal iyo Itoobiya.

Sidoo kale saanaddan ciidan ee baaxadda leh ayay falanqeeyeyaashu ku tilmaameen mid tusaale cad u ah waxtarka tageerada Masar ee dhiska Ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta Qaranimada dalkan dhaca goobta istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

“Shixnad gargaar milateri oo Masar ah ayaa soo gaartay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si ay u taageerto una dhisto awoodda ciidamada Soomaaliya,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ku tiri hadal ay soo saartay Isniintii.
Xariirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar ayaa aad u xoogaystay horraantii sanadkan ka dib taliska Abii Axmed uu heshiis sharci darro ah la galay Soomaaliland.