U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka wada hadlay qabashada Shir looga jawabaayo weerarada Israa’iil ee Lubnaan iyo Falastiin

Sheeko:War

Ra’iisul Wasaaraha CIraaq Mohammed Shia Al-Sudani ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, kulan ka dhacay xafladda 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Al-Sudani, “Kulankan, labadan hogaamiye ayaa ka wada hadlay dhowr arrimood oo caalami ah oo ay ka wada siman yihiin iyo sida loo xoojin karo xiriirka labada dal. Waxay adkeeyeen muhiimadda iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan qaybaha dhaqaalaha, amniga, iyo dhaqanka, iyadoo Ciraaq uu raacayo siyaasadda furan ee ku wajahan deriskiisa Carabta iyo kuwa gobolka.”

Kulanka ayaa sidoo kale laga hadlay heshiisyadii la gaaray intii uu Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre booqday Baqdad bishii Luulyo, iyada oo dib loo eegay natiijooyinka iyo ujeedooyinka booqashadii, taas oo diiradda saartay xoojinta hababka iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaare Al-Sudani ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ka faa’iidaysiga dhammaan fursadaha la heli karo si loo horumariyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Waxa kale oo uu u hambalyeeyay dhiggiisa Soomaaliyeed guusha Soomaaliya ee helitaanka kursi aan joogto ahayn oo ku yaal Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo qiray doorka Soomaaliya ee taageeridda arrimaha Carabta.

“Labadan hogaamiye ayaa ka hadlay dhacdooyinka socda ee Gaza iyo Lubnaan, iyaga oo iftiimiyay dambiyada xun ee ay geysteen cadowga Siyoniga oo ka dhanka ah shacabka aan waxba galabsan. Waxay adkeeyeen muhiimadda dadaallada caalamiga ah ee heer kasta si loo joojiyo weerarka.”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa muujiyay walwalka uu ka qabo xaaladaha adag ee Lubnaan iyo Falastiin, wuxuuna xaqiijiyay taageeradiisa qorshaha Ciraaq, oo la shaaciyay Isniintii, ee ah in la qabto shir Carbeed iyo Islaami ah si wax looga qabto cawaaqibka weerarka Lubnaan.

Waxa uu adkeeyay baahida loo qabo in la yeesho mowqif mideysan si loo xakameeyo weerarada socda ee ka imaanaya cadowga.