U bood dhigaalka

Maxaa ka soo kordhay xaaladda Caafimaad ee madaxweynaha Jabuuti ?

Ayadoo ay saacadihii la soo dhaafay warbaahintu warinaysay warar ku saabsan xaaladda Caafimaad ee madaxweynaha Jabuuti, islamarkaana xogaha qaar ay tilmaameen inuu madaxweynuhu geeriyooday, ayay dowladda dalkaas arrintaas faahfaahin ka bixisay.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti oo uu kamid yahay wasiirka Maaliyadda mudahe ilyees Muuse Dawaale ayaa sheegay in madaxweynaha xaaladdiisu ay aad u wanaagsantahay, islamarkaana xanuunkiisu uu yahay mid jilibka midig ku kooban ee aanu dhibaato kale qabin.

“Madaxweynuhu wuu shaqaynayaa, aad buuna u wanaagsan yahay, waad necbaan kartaa hoggaamiye ilaa heer aad dhimasho ku tilmaanto qof muslim ah, haa jilibka midig waa ka xanuunsaday waa bin’adan” ayuu yiri wasiir Ilyaas Dawaale.

Si kastaba ha ahaatee masuuliyiinta Jabuuti xog intaas dhaafsan oo ku saabsan xilliga madaxweynuhu uu dalka ku soo laabanayo iyo haddii uu qalliin galay ma aanay bixin.