U bood dhigaalka

Maxaa ka jira wararka sheegaya in madaxweynaha Jabuuti uu isbitaal ku jiro ?

Xaaladda caafimaad ee madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa laga dayrinayaa, wwxayna wararku sheegayaan inuu maalintii afaraad ku jiro isbitaal militari oo ku yaalla magaalada Paris ee caasimadda faransiiska.

Xogaha ku saabsan xanuunka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo baxay, ka dib markii uu si lama filaan ah uga baaqday ka qeyb-galka shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada Newyork.

Dowladda Jabuuti weli faahfaahin kama bixin xaaladda madaxweynaha dalkaas, balse warbaahinta gudaha oo xiganaysa masuuliyiin sar sare ayaa xaqiijisay in mudane Geelle lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Paris.

Si kastaba ha ahaatee xogaha la heli karo ee ku saabsan xaaladda caafimaad madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku dhowaad 30 sano dalkaas hoggaamiyay ayaa isha lagu wada hayaa, lamana ogga sida uu hadda bedqabkiisu yahay.