U bood dhigaalka

Maxaa ka soo baxay shirkii magaalada Washington ee la dagaallanka argagixisada?

Magaalada Washington DC ee caasimadda dalka mareykanka waxaa ka dhacay shirweyne ku saabsanaa la dagaallanka kooxaha xagjirka ah, kaas oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 87 dowladood.

Shirkan oo uu goddoominayay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa waxaa isugu yimid Wasiirro iyo wakiillo ka socda dalalka ku mideysan Isbahaysiga Caalamiga ah ee la-dagaalanka urur ISIS ama Daacish.

Shirka oo uu Soomaaliya uga ka qey-bgalay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda mudane Cali Cumar ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa kooxda kooxda ISIS ee ururrada kale ee xagjirka ah, waxaana isbahaysigan oo ka kooban 87 dal ay go’aan ku gaareen in la sii xoojiyo hawlaha caalamiga ah ee looga hortagayo argagixisada.

Kooxda ISIS ayaa kamid ah ururrada ka galaamaya meelo kamid ah ururrada ka dagaalama meelo badan oo dunida ah, gaar ahaan gobolka Bariga dhexe, galbeedka Afrika iyo deegaannada Soomaaliya qaarkood.