U bood dhigaalka

Puntland oo amarro culus dul dhigtay kalluumaysatada deegaanadaas iyo kuwa shisheeyeba

Wasaaradda kalluumeysiga dowlad gobololeedka Puntland ayaa soo saartay amarro culus oo ku saabsan jillaabashada jaadad kalluunka kamida iyo shisheeyeha sida sharci-darrada ah u guranaya kheyraadka badda Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa mamnuucday dabashada qubada, noocyo liibaaxa badda kamid ah, iyo adeegsiga shabaagaha il-yarta ah iyo tooshashka kalluunka lagu eego markii la jillaabanayo.

Sidoo kale waxaa amarrada qeyb ka ahaa inaan la oggolaan doonin kalluuneysiga sharci darrada ah, islamarkaana ciddii lagu helo falkaas tuugnimada ah sharciga la horgeyn doono.

Deegaannada Puntland ayaa kamida meelaha ay doomaha iyo maraakiibta shisheeye sida joogtada ah uga kalluumeystaan, boobka sharci darrada ahi uu ka socda.