U bood dhigaalka

Maxaa laga yiri weerarkii ay Iran ku qaaday maamulka Israa’iil?

Saacado ka hor dowladda Iran ayaa in ka badan 300 oo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaalla gudaha maamulka Israa’iil oo ay Tel Aviv ugu horreyso iyo meelo kamida deegaannada la haysto ee falastiin.

Dadka Israa’iil oo ay masuuliyiinta maamulku ugu horreeyaan ayaa galay godad dhulka hoostiisa ah intii uu weerarku socday, waxayna wararku sheegayaan in waxyeello ballaaran oo khasaaro nafeed iyo burburba isugu jirtaahi ay duqeynta ka dhalatay.

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka, iyo midowga Yurub ayaa dhammaantood cambaareeyay weerarka Iran, ayagoo sheegay inay Israa’iil garab taagan yihiin, islamarkaana ay Tel Aviv xaq u leedahay inay is difaacdo.

Dhanka kale Ciidamada ilaalada kacaanka Iran iyo wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas ayaa sheegay in weerarkani uu yahay wajigii koobaad, islamarkaana ay jiraan kuwo kale oo  u qorshaysan haddii ay Israa’iil iyo Mareykanku ku kacaan fal gardarro ah.

Si kastaba ha ahaatee xaaladda gobolka Bariga dhexe ayaa meel xun maraysa, waxaana isi soo taraysa xiisadda halkaas ka taagan ee u dhexeysa maamulka Israa’iil oo  taageerada Mareykanka iyo reer galbeedka ku daaban iyo Iran oo kaashanaysa kooxaha dhankeeda u janjeera ee ku sugan Falastiin, Lubnaan, Suuriya, Ciraaq, iyo Yemen.