U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo ugu yaraan 47 xubnood oo Alshabaab ah Ku diley howgal ka dhacay gobolka Galgaduud

Dowladda Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay Ciidanka Xoogga Dalku ay dileen ugu yaraan 47 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, ka dib markii ay howgal ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

War-saxaafadeedka ay dowladdu soo saartay ayaa u dhignaa sidan “47 xubnood oo ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay hawlgalo bartilmaameed ah oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka (NISA) oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaano hoos tago degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada  Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka  ayaa ku beegsaday hawdka u dhaxeeya deegaannada Bida Ciise iyo Geriile ee degmada Ceeldheer, halkaas oo ay isku aruursanayeen maleeshiyaad badan oo Khawaariij ah, waxaana halkaas lagu laayay maleeshiyaad badan iyadoo dhanka kale la baabi’iyay fariisinkii Khawaarijtu isku aruursanayeen.

Sida oo kale inta uu howlgalka socday waxaa la burburiyay gaari nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi kaas oo cadowgu ay ku diyaariyeen qaraxyo ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka, laakiin Ciidamada Qaranka ayaa ku guulaystey  in ay cadowga ku halaagaan dhagartii ay maleegayeen.

Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka, iyo geesiyaasha dadka degaanka ayaa hawlgalo qorshaysan oo sifayn ah ka sameeyay deegaannada Xuseen Cagay iyo Cali Yabaal, waxaana ciidanku ay ku guulaysteen inay burburiyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibaartay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana dowladda ka go’an ciribtirka cadowgaan ku soo duulay waddankeenna” .