U bood dhigaalka

Dalalka dunida oo muwaadiniintooda ka daadguraynaya Lubnaan iyo xaaladda Soomaalida dalkaas ku go’doonsan

Dalka Lubnaan, gaar ahaan magaalooyinka koonfurta iyo Bartmaha ku yaalla oo ay caasimadda Beyruut ku jirto waxaa ku socda duqeymo xooggan oo aan kala joogsi lahayn, kuwaas oo uu wado maamulka Israa’iil.

Duqeymahan ayaa sababay in inta badan duullimaadyadii diyaaradaha ee dalkaas tagey jiray ay joogsadaan, waxaana socda qax iyo barakac baaxad oo ay muwaadiniinta Lubnaan iyo ku shisheeye ee dalkaas ku nooli ku jiraan.

Dowladaha dunida ayaa qaarkood diyaarado gaar ah u diray muwaadiniinta ku sugan Lubnaan si loo soo daadgureeyo, waxaana kamida Shiinaha oo in ka badan 200 oo qof oo dalkiisa u dhashay ka soo saaray magaalooyinka dalkan wajahaya duullaanka cirka iyo dhulka ah.

Sidoo dalalka reer galbeedka iyo kuwa deriska ah ayaa ku howlan daadguraynta muwaadiniintooda, balse Soomaali badan oo dalkaas ku nool ayaa ku jira xaalad go’doon ah, ayadoo dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay dadkaas gurmad la gaarto.

Soomaaliya ku sugan Lubnaan ayaa isugu jira arday dalkaas waxbarasho u tagey iyo dad muddo ku noolaa oo halkaas ganacsiyo iyo hanti ma guurto ah ku leh, kuwaas oo ay adagtahay inay dalkaas ka soo baxaan maadaama la joojiyay diyaaradihii dalkaas tagi jiray.

Soomaaliya xariir dublamaasiyadeed oo toosa lama laha Lubnaan, safaaradna kuma laha, balse dalka deriska ah ee Suuriya ayay ku taal safaaradda Soomaaliya, waxaana walaac laga muujinayaa xaaladda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas ku xayiran.