U bood dhigaalka

Wasiirka Arrimaha dibadda XFS oo si aan horay loo arag muqdisho loogu soo dhaweeyay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cade, kadib safar howla shaqo ah oo uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa, Munaasabadda soo dhaweyta ayaa waxaa ka qeyb-galay qaar kamid ah Mudanayaasha Labada Aqal ee Baaralamaanka JFS, Xog-hayaha joogtada ee wasaaradda, Danjireyaal, Agaasimeyaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda, Qaar ka mid ah Howlwadeenadda Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalimiga iyo qaar ka mid ah Odayaal dhaqameedka Soomaaliyeed.

Soo dhaweynta ayaa daarneyd Bogaadinta iyo taageerada Wasiirka ee ku aadan Guulihii baaxadda lahaa ee uu ka gaaray muddadii uu kumaqnaa Socdalkiisa shaqo ee xarunta Qaramada midoobey, kaasoo intiisa badan lagu faaqiday Difaaca Madaxbanaanida iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriydda Federalka Soomaaliya.