U bood dhigaalka

Maxay diyaaradda Kenya Airways u hakinaysaa duulimaadyadeeda Soomaaliya?

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa sheegtay inay hakineyso duulimaadyadii ay ku imaan jirtay dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, laga billaabao 14-ka October.

War-saxaafadeed ay soo saartay ayay shirkadda ku sheegtay in ay go’aankan qaadatay ka dib markii ay la kulantay culaysyo iyo caqabado dhanka shaqadeeda oo aysan faah-faahin dheeraad ah ka bixin.

Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan mid kamida duulimaadyada diyaaradan muddo kooban ku xayirtay garoonka Aadan cadde ka dib markii la sheegay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku safrayay ay dhibaato kala kulmeen.

Si kastaba ha ahaatee lama oga in caqabadaha ay shirkadaha diyaaradaha Kenya Airways sheegtay ay yihiin kuwa ay garoonka muqdisho kala kulanto iyo in culaysyadu dhinacyo kale ka haystaan.