U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Agaasin Goboleedka Dalalka Carabta ee Hay’adda UNDP

Sheeko:War

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso Marwo Marina Walter oo ah Ku-Xigeenka Agaasin Goboleedka Dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP).

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS iyo wafdigaan ayaa kawada hadlay horumarada Soomaaliya ka sameysay sannadihii la soo dhaafay dhinacyada dowlad-dhiska, horumarinta arrimaha bulshada, soo kabashada dhaqaalaha, amniga, xasillinta degaannada laga saaray kooxda Alshabaab, iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.