U bood dhigaalka

shirkii seddax geesoodka ahaa ee madaxda Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea oo War-murtiyeed laga soo saaray

Sheeko:War

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galay shir madaxeed saddex geesood ah oo magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya ku dhex maray hoggaamiyaasha Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea.

Shirkan waxaa martigaliyey Madaxweynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki, waxaana sidoo kale ka qeyb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi.

Madaxda saddexda dal ayaa ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan gobolka geeska Afrika iyo caalamka, iyagoo si qoto dheer u falanqeeyey xaaladaha jira.

Madaxweynayaasha saddexda dal ayaa hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka, iyagoo isla qaatay in la isku xiro dadaallada wadajirka ah si loo gaaro xasilloonida gobolka iyo horumar waara oo loo dhan yahay.

Sidoo kale waxay madaxdu ku heshiiyeen in la xoojiyo hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, lana taageero ciidamada Qaranka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan argagixisada.

Shirka waxa lagu lafa-guray arrimaha amniga, gaar ahaan kuwa ku saabsan Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab-al-Mandab, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay xaaladda Suudaan iyo sida ay u saamayn karto gobolka. Madaxdu waxay isla garteen in la dhiso guddi saddex geesood ah oo ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee saddexda dal, si loo dardargeliyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada oo dhan.