U bood dhigaalka

Calanka Soomaaliya oo 70 sano jirsaday iyo maanta oo ku beeggan xilligii la sameeyay

Maanta waxaa ay ku beegan tahay 12-ka bisha Oktoobar oo ah dharaartii la sameeyay Calanka buluuga ah ee Cawaale, kaas oo ah bandiiradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo astaanta shanta Soomaaliyeed .

Samaynta Calanka waxaa curiyay Allaha u naxariisto halgamaa Maxamed Cawaalle Liibaan oo kamid ahaa halgamayaashii gobonnimada dalka ummadda soomaaliyeed wax walba u huray.

Maxamed Cawaalle Liibaan Allaha u naxariistee wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sanadkii 1919-kii, wuxuuna kamid ahaa ururkii shaqada iyo Shaqaalaha ee xilligii gumeystaha Talyaaniga, waxaana intii uu socday halgankii SYl maskaxdiisa ka soo maaxatay fikradda Naqshadaynta Calanka shanta gees leh.

Halgamaa Maxamed Cawaalle Liibaan Allaha u naxariistee wuxuu ku dhintay magaalada Toranto ee dalka Canada sanadkii 2001-dii, balse mirihii halgankiisa oo uu ugu mudanyahay calanka geesiyaal badani ay sarreyntiisa naftooda ku waayeen.