U bood dhigaalka

Hab-raac caynkee ah ayaa loo maraa dhismaha waddooyinka Muqdisho?

Sanadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday mashaariic kala duwan oo isugu jira dhismaha waddooyin cusub iyo dayactirka Kuwii hore, waxaana ugu dambeeyay dhowr jid oo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhowaan xarigga ka jaray.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in dowladdu ay isku tashatay oo canshuuraha dadka Soomaaliyeed laga qaado howshaas lagu qabto, sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horay u sheegay in deeq tabarucaad ah oo hal dollar ka billaabaysa dadka Soomaaliyeed laga rabo si waddooyinka loogu hagaajiyo.

Haddaba hab-raac caynkee ah ayaa loo maraa dhismaha iyo dayactirka waddooyinka?

Dhismaha waddooyinka waxaa jaan-gooya guddi isku dhaf ah oo isugu jira ganacsato, culumo iyo masuuliyiinta hoggaanka u ah bulshada rayidka ah, kuwaas oo qeymayn iyo sahmin ku sameeya wadada la dhisayo iyo baahida loo qabo ama muhiimadeeda.

Dhanka dhaqaalaha ku baxaya waxaa u xilsaaran 3 waaxood oo kala ah ganacsatada gobolka Banaadir oo bixiya boqolkiiba 50, dadka guryaha ku leh heeraraha waddada la dhisayo oo laga qaado boqolkiiba 15, iyo maamulka gobolka Banaadir oo bixiya boqolkiiba 35.

Dhinaca fulinta waxaa awood buuxda u leh maamulka gobolka oo shirkaddii uu doonaya qandaraas kula gala, mana jiro tartan hufan oo shirkadaha waddooyinkaas dhisayaahi ay galaan, taas oo la rumaysanyahay inay qeyb ka tahay taya xumada jidadka la hirgelinayo.

Si kastaba ha ahaatee qaabkaas ayaa loo dhisaa waddooyinka magaalada Muqdisho, markii laga reebo jidadka Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Balcad oo ay maalgalisay dowladda Qatar, islamarkaana ay fulinayeen Injineerro Turki ahi.

Lacagta Canshuuraha ah ee loo adeegsado ayaa ah boqolkiiba 35-ta uu bixiyo maamulka gobolka Banaadir, taas oo loo badelay in qaab tabarucaad ah ah bulshada looga aruuriyo, halkii laga bixin lahaa qasnadda dowladda hoose ee gobolka, taas oo muujinaysa isku dheeli-tirnaan la’aan dhaqaalaha reer Muqdisho magaca Canshuuraha uga baxa iyo adeegyada loo qabto.