U bood dhigaalka

Maxaa ka jira in dowladda Talyaanigu ay joojisay dal ku galkii Baasaboorka Soomaaliya?

Dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday inay joojisay dal ku galkii ama visihii la siin jiray dadka wata Baasaboorka Soomaaliya ee u socdaalaya talyaaniga.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya danjire Peir Mario Docco Coppi oo la hadlay Warbaanhinta gudaha dalkaas ayaa sheegay inay hakiyeen dal ku galkii ay siin jireen dadka ku safraya Baasaboorka Soomaaliya .

Danjiraha ayaa sheegay intaa ku daray in hakintani ay la xariirto arrimo farsamo, balse aanay wax siyaasad ah shaqa ku lahayn, asagoo xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaanigu ay go’ankaas qaadatay.

Tillaabadan ayaa saameyn taban ku yeelan doonta Soomaali badan oo dalkaas siyaabo kala duwan u tagi jirey, balse waxaa la naawilayaa in hakintaasi ay noqan doonto mid muddo kooban ah sida uu sheegay Danjiruhu.