U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo tababaraysa boqolaal duuliyaal ah oo kamid noqanaya ciidanka Cirka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta dib u dhiska qeybaha kala duwan ee ciimada qalabka sida, kuwaas oo la doonayo inay hantaan ilaalinta nabad-gelyada iyo difaaca dalka.

Ciidanka cirka oo kamida 4 qeybood ee ugu muhiimsan cutubyada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kamida guutooyinka ay dowladdu dhismahooda ku foogantahay, ayadoo dhowaan dalka la keenay tiro diyaarado dagaal ah, kuwaas oo hadda si buuxda uga qeyb-qaadanaya gulufka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo bandhigtay diyaarado tababar iyo koox saraakiil ah oo layli duuliyenimo u socdo, kuwaas oo lagu carbinayo gudaha dalka.

Tillaabadan ayay xeeldheerayaashu ku macneeyeen mid kamid ah waxyaabaha yididiilada u leh dadweynaha Soomaaliyeed, waana mid kamida waxyaabaha astaanta u ah dib u dhiska hay’adaha dowladda.

Ciidanka cirka Soomaaliyeed waxaa la aas-aasay sanadkii 1960-kii, wuxuuna masuul ka yahay difaaca hawada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo ka qeyb-galka howlgal kasta oo lagu ilaalinayo madax-bannaanida dalka iyo ka hortagga xadgudub walba oo ka dhan ah cirka Soomaaliya.