U bood dhigaalka

Munaasabad lagu soo dhoweynayo markabka Shidaalka baaraya oo ka socata dekadda muqdisho

Munaasabad lagu soo dhowaynayo markabka Turkiga laga leeyay ee shidaalka baaraya ayaa ka socata gudaha dekadda weyn ee muqdisho, waxaana la filayaa in markabku uu saacadaha soo socda imaan doono.

Markabka sahminta shidaalka ee dalka Turkiga ayaa soo dhaweyntiisa waxaa ka qeyb-galaya Madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, saraakiil iyo dublumaasiyiin Turki ah.

Markabkaan oo lagu magacaabo Oruc Reis ayaa Horraantii bishan Xeebaha Turkiga waxaa ka soo sogootiyey Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Wasiirka Batroolka XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed.