U bood dhigaalka

Baaritaanka gabdhihii Soomaaliyeed ee lagu diley kenya oo meel xasaasi ah maraya iyo xogo Cudub oo la helay

Laamaha nabad-gelyada dalka kenya ayaa baaritaan xoog leh ku wada falkii naxdin laha ee dhowaan ka dhacday magaalada Nairobi, kaas oo ahaa afduub iyo dil arxan-darro ah oo laysugu daray gabdho Soomaaliyeed ee deganaa xaafadda Islii.

Booliska kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaarigii lagu afduubtay gabdhahaas, kaas oo la sheegay in la aqoonsaday cid iska leh, islamarkaana xogo badan oo soo qabashada dembiile gacan ka geysan kara la helay.

Baabuurka ay laamaha nabad-gelyadu soo qabteen ayaa la sheegay inuu leeyahay nin lagu magacaabo Haashim oo ahaa darawalkii gaarka ahaa ee qoyska la gumaaday, islamarkaana asaga qudhiisa looga shakisanyahay inuu ka dambeeyo falkan argagaxa leh.

Waxaa la xaqiijiyay inuu gabdhahan oo seddax ahaa uu asagu gurigooda ka qaaday, ka dibna meydadkooda oo si arxan-darro loo jarjaray, qaarna maqaarkii laga siibay laga helay meelo kala duwan oo magaalada aad uga durugsan.

Si kastaba ha ahaatee laamaha nabad-gelyada Kenya ayaa dhacdadan si xoog leh u baaraya, waxaana soo baxaya xogo cusub oo tilmaamaya in dhinacyo kale ay maleegidda fal-dembiyeedka ku luglahaayeen.