U bood dhigaalka

Taliyaha taakulaynta CXD oo dhagax dhigey ballaarinta kaalinta dhexe ee shidaalka Ciidanka

Taliyaha Taakulaynta Ciidanka XDS G/le Dhexe Ibrahim Maxamed Maxmuud Oo ay wehliyaan Madaxda Hoggaamada Taliska Taakulaynta Ciidanka XDS ayaa dhagax dhigay dhismo cusub oo lagu ballaarin doono Kaalinta dhexe ee shidaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , Dhismahaas oo laga hirgelin doono Taliska Taakuleynta ee Villa Baydhabo.

Kaalintaan balaarinta Iyo dib u casriyeenta lagu samaynayo ayaa Kaalin Muhiima ka Qaadanaysa dardar-gelinta saad siinta Socodka Ciidanka Xoogga Dalka oo ah mid kamida arrimaha ugu muhiimsan markii la agaasimayo howlgallada iyo dhaqdhaqaaqa ciidanka.

Madaxa Hoggaanka Saadka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le C/raxmaan Taakoow ayaa Taliyaha Taakuleynta Ciidanka XDS uga mahadceliyay dhagax dhiga dhismahan cusub ee kaalinta baaxada leh ka qaadan doona shaqoyinka adag ee u yaala Hoggaanka Saadka Ciidanka XDS