U bood dhigaalka

Bank-ga dhexe ee Soomaaliya oo ku biiray barnaamijka maareynta kaydka bank-yada adduunka

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in uu ku biiro barnaamijka bank-yada adduunka ee tala-bixinta iyo maareynta kaydka ee lagu magacaabo RAMP, isagoo noqday ๐ฑ๐ฎ๐›๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Ÿ•๐Ÿ—-๐š๐š๐ ee ku biirta shabakaddan caalamiga ah oo ay ku mideysan yihiin bangiyada dhexe ee adduunka, hayโ€™ado maaliyadeed oo caalami ah, iyo sanduuqyada maareeya maaliyadda howl-gabka.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi , oo ka qeyb-gelay shir-sannadeedka Bangiga Adduunka (WB) iyo hayโ€™adda Lacagta Adduunka(IMF) 2024 uga socda magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa saxiisay heshiika uu Bankiga Dhexe ugu biiray Barnaamijka RAMP ee Bangiga Adduunka.

Guddoomiyaha oo tilmaamaya muhiimadda heshiiskani u leeyahay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in ku biirista barnaamijkani ay bank-ga dhexe Soomaaliya ka dhigayso mid la jaan-qaadaya hannaanka casriga ah ee kaydka iyo maareynta bank-yada dunida, wuxuuna hoosta xariiqay in tillaabadani ay tahay guul weyn oo Soomaaliya u soo hoyatay.