U bood dhigaalka

Turkiga oo Soomaaliya ku wareejiyay doomo dagaal oo loogu tala-galay ilaalada xeebaha

Dowladda Turkiga ayaa  Soomaaliya ku wareejisay gaadiid badeed oo dhowr doomood ah, kuwaas oo loogu talo-galay ciidamada Ilaalada xeebaha dalka.

Munaasabad Kooban oo ka dhacday Dakadda magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galeen wasiiru Dowlaha Gaandhigiga, Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, Taliye ku xigeenka CXD, Taliyaha Ciimada Badda iyo Saraakiil kale ayaa 4-doomood oo ah nuuca dheereeya waxaa lagu wareegiyay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya kuwaasi oo loogu tala galay inay qeyb ka noqdaan sugitaanka amniga xeebaha dalkeena.

Safiirka Ankara ee Soomaaliya ayaa sheegay in Doomahaan wax badan ka tari doonaan sugitaanka ammaan xeebaha, isagoona xusay in taageeradii turkiga ee soo bilaabatay 2011kii ay sii laba jibaarayaan maalinba maalinta ka danbaysa.

Wasiir Dowlaha  wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane  Cumar Cali Cabdi oo Dowladda Turkiga kaga Mahadceliyay Doomaha ay ku wareejisay Ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay  in wax badan kusoo kordhin doonaan ladagaalanka khawaarijta iyo waxkasta oo halis ku ah amniga badda si looga faaidayso Khayraadka xeebaha Soomaaliya

Sidoo kole waxaa goobta Shahaadoyin lagu guddoon siiyay Ciidan si gaar ah loogu tababaray ilaalada xeebaha kuwaasi oo Doomahaan cusub ku howl gali doon