U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalkii qori-lugud iyo shangeed

Ayadoo dhowaan uu dagaal lagu hoobtay  deegaanada  qori-lugud iyo shangeed ku dhex maray  dhinacyo kala taageersan Soomaaliland iyo SSC-Khaatumo ayay dowladda Soomaaliya arrintaas baaq ka soo saartay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshisiinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo colaaddaas si adag uga hadashay ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha dhinacyada aaggaas ku diriraya.

Wasaaradda ayaa soo jeedisay xabad-joojin shuruud la’aan ah, si loo badbaadiyo dhiigga dadka Soomaaliyeed ee sida macno darrada ah ku daadanaya, sida lagu yiri qoraal ay soo saartay.

Sidoo kale wasaaraddu waxay odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo guud ahaan waxgaradka ugu baaqday in ay u istaagaan joojinta colaadan, kana shaqeeyaan Xasilloonida iyo sidii nabada waarta loo heli lahaa.

Dagaalkii qori-lugud iyo shangeed ku dhex maray dad ka soo kala heeda Soomaaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa sababay khasaare nafeed oo baaxad leh, waxaana hadda is barbar socda baaqyo nabadeed iyo dhiillooyin hub dhurasho ah.