U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Finland oo ka wada-hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga ka dhexeeya

Dowladaha Soomaaliya iyo finland ayaa ka wada-hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga ka dhexeeya iyo xaaladda gobolka geeska Afrika, gaar ahaan xadgudubka Itoobiya ay ku hayso midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Wada-hadalka labada dhinac ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminaayay Suldaan Saciid Axmed oo Dowladda Finland u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa Ergayga la wadaagay mowqifka cad ee Soomaaliya ee ku aaddan xaaladda gobolka iyo xiisadda Muqdisho iyo Addis ababa.

Dhankiisa Ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arirmaha Geeska Afrika mudane Suldaan Saciid Axmed ayaa madaxweynaha JFS Dr, Xasan Sheekh Maxamuud gudoonsiiyey dhambaal uu ka waday Madaxweynaha Dalka Finland.