U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay qorshaynayso inay safaaradda Itoobiya ka saarto gudaha madaxtooyada

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay xayndhaabka madaxtooyada dalka ka saarto safaaradda Itoobiya oo halkaas ku shaqaynaysay ku dhowaad 20-kii sanoo la soo dhaafay.

Wasiirka arrimaha dibedda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed macallin  Fiqi ayaa sheegay in Safaaradda Itoobiya ay hadda degantahay gudaha madaxtooyada qaranka, taas oo uu ku tilmaamay arrin laga habboonyahay.

Wasiirka ayaa intaas ku daray inay ka shaqaynayaan sidii safaaraddaasi ay ugu guuri lahayd dhulkeedii hore oo hadda bannaan, islamarkaana ay dhisato oo halkaas u guurto ugu dembayn.

Safaaradda Itoobiya ayaa gudaha xayndhaabka madaxtooyada Villa Soomaaliya degtay xilligii dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, waxaana hadda loo arkaa in ku sii shaqaynteeda goobtaasi ay tahay halis qaran, maadaama labada dal ay colloobeen.