U bood dhigaalka

Jubbaland oo hakisay wada-shaqayntii ay la lehayd dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowlad goboleedka Jublaland ayaa sheegtay inay hakisay xariirkii iyo wada-shaqayntii kala dhexaysay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana war saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaas lagu yiri sidan:

“Dowladda Jubaland waxaa ka go’an ilaalinta nidaamka dawladnimada, ku dhaqanka Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo laga hortagayo wax kasta oo qalqal galinaya midnimada iyo wada jirka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Jubaland.

lyadoo midaas laga duulayo ayay Dowladda Jubaland cadaysay in ay diyaar utahay lashaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo ku dhaqanka dastuurka dalka iyo go’aan ka gaarista arimaha masiiriga ah ee dalka iyadoo loo marayo tubta wadar ogolka.

Dowladda Jubaland waxay ku muujisay doodeeda fagaarayaasha la iskugu yimaado iyadoo qadarinaysa rabitaanka shacabweynaha Jubaland, Halka ay Dowladda Federaalku hormuud unoqotay hagardaamada himilooyinka shacabka Jubaland, iyo Khalkhal galinta joogtada ah ee anniga Jubaland, iyadoo ku kacday qodobadaan soo socda:

1. Hagardaameynta dadaalada lagula dagaaalamayo khawaarijta loogana sifeynayo deegaanaada Jubaland, iyadoo Dowladda Federaalku si weyn u xagal daacisey hawlagalka wajiga labaad ee ay Jubaland bilowday, iyadoo xakameyn wayday ciidamadii kasoo baxay aagaga dagaaalka, kana shaqaynaysey sidii ay u kala fufuri lahayd qaybaha kala duwan ee ciidama Jubaland iyo kuwa XDS, isla markaana ka cagajiidey in ciidama diidey gudashada wajibaadkooda lagu badalo ciidamo isku dhaf ah oo degaanka laga xulo buuxinayana kaalintii CXDS ee furumaha baneeyey.

2. Hor istaagtay in ay Jubaland qabsato doorashooyinkeeda ay umadax banaantahay, iyadoo xalay soo saartay warmurtiyeed aan sharciyad ku salaysnayn isna burinaya, cadaynaya mawqifka saxda ah ee ay qabaan madaxda DFS oo ah dalka in lagaliyo faraaq dastuuri ah, lagana shaqeeyo in Hay’adaha DXDF ay noqdaan kuwo aan sharciyad haysan kuna joogaan awooda ku darsasho aan sharciga waafaqsaneyn, sida ay ku cadaysay Warmurtiyeedka ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Sidaas awgeed Dowladda Jubaland waxay cadaynaysaa qodobada soo socda:

1. Iyadoo raacaysa Dastuurka kumeel gaarka ah ee DFS iyo kan Jubaland kana dheeraanaysa waxkasta oo horseedi kara sharci daro iyo firaaq dastuuri ah in ay umadaxbanaantahay qabashada iyo maamulidda doorashada Jubaland, sida uu qabo qodboka 120aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah ee DFS iyo qodobada 62aad iyo 80aad ee Dastuurka Jubaland.

2. Dowladda Jubaland waxay markasta ka digaysaa in la siyaasadeeyo si khaldana loo isticmaalo CXDS iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga dalka ee (ATMIS), iyadoo sharciyadoodu tahay ladagaalanka argagixisada iyo sugida amaanka xarumaha dawlada.

Go,aan:

Hadaba Dowladda Jubaland waxay cadaynaysaa in ay hakisay xiriirkii wadashaqeeneed ee ay lalahayd Xukuumada Federaalka Soomaaliya inta ay uga hogaansamayso Dastuurka dalka, ixtiraamaysana rabitaanka shacabka Jubaland”.