U bood dhigaalka

Muxuu daarranyahay safarka guddoomiyaha aqalka sare uu ku tagayo Nairobi?

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  safar ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ujeedka socdaalka guddoomiye Cabdi Xaashi ee Nairobi ayaa ah ka qeyb-galka shirka 18-aad ee guddoomiyeyaasha baarlamaanada dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (𝐄𝐀𝐂) uu ka furmayo caasimadda Kenya.

Soomaaliya oo bilo ka hor ku biirtay ururka iskaashiga dhaqaalaha bulshada bariga Afrika ayaa si firfircoon uga qeyb-qaadanaysa howlaha iyo dejinta qorshayaasha hortabinta u leh ururka.