Dadweynaha Soomaaliland oo u dareeray goobaha cod-bixinta
Dadweynaha soomaaliland ayaa safaf dheer dheer ugu jira codbixinta doorashada maanta ka dhacaysa deegaanada maamulkaas, taas oo ay ku dooranayaan hoggaamiyaha 5-ta sanoo soo socata caynaanka u hayn doona.
Dad aad u tira badan ayaa tuban goobaha codbixinta loo asteeyay ee ku yaalla magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliland, waxayna bulshadu kala dooranayaan seddax siyaasi oo 7 sano ka hor ay midkood u codeeyeen.
Hoggaamiyaha hadda talada haya ayaa mar kale u xusul-duubaya sidii dib loogu dooran lahaa, asagoo sheegay inuu Soomaaliland ka dhigi doono mid aan horay loo arag, loona maqal oo aad u hormarsan.
Sidoo kale Cabdiraxmaan cirro iyo Faysal Cali Waraabe oo ka kala socda Xisbiyada waddani iyo ucud ayaa ballan-qaaday inay waxqabad wax ku ool ah samayn doonaan haddii hoggaaminta lagu aamino.
Doorashadan oo ay dowladda Soomaaliya bogaadisay ayaa tii 2017-kii kaga duwan in deegaanada Khaatumo aanay haatan xisaabta ku jirin, lagana codayn doonin.