U bood dhigaalka

Maxay ka wada-hadleen wasiir Fiqi iyo danjiraha dowladda Maleesiya ?

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Malaysia ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ruzaimi Bin Mohamad, intii lagu jiray bandhigga Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).

Kulankan ayaa ku saabsanaa xoojinta  xiriirka Soomaaliya iyo Malaysia, iyadoo diiradda lagu saaray danaha guud sida ganacsiga, waxbarashada, iyo horumarinta labada dal.

Labada masuul ayaa isla gartay in la sii xoojiyo xariirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee kor u qaadaya koboca iyo faa’iidooyinka labada dal.