U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Tallaabooyin Adag ka Qaadeysa Safiirro Ka Qaybgaley Doorashada Somaliland

Sheeko:War

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay tallaabooyin adag ka qaadayso safiirro la sheegay inay ka qaybqaateen doorashooyinka maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si gaar ah u tilmaamay safiirka Denmark ee Soomaaliya inuu “dal” ugu yeedhay Somaliland, isagoo ku eedeeyey inuu u dhaqmay si ka hor imanaysa siyaasadda midnimada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in safiirrada tagay magaalada Hargeysa, oo ay ku jirto safiirka Denmark, ay qaarkood ugu yeereen si loo xisaabtamo.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin tallaabo kasta oo horseedaysa kala qaybinta dalka.

Danjire Fiqi ayaa hadalkiisa ku daray:
“Safiirrada Hargeysa tegey ee tallaabooyinka kala goynta ah qaaday tallaabo ayaan ka qaadaynaa, qaarkoodna waan u yeeray. Cidna kama yeelayno in ay dalkan kala goyso – wixii khilaaf ah Soomaali ayey u taal.”

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay muhiim tahay in beesha caalamku taageerto midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.