Denmark oo raali-gelin hordhaca ka bixisay xad-gudub ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay
Dowladda denmark ayaa raali-gelin hordhaca ka bixisay hadallo ay dowladda Soomaaliya meel ka dhac ku tilmaamtay oo danjirehoodu uu dhowaan ka yiri doorashadii Soomaaliland.
Sida ay Ilo-wareedyo dublumaasiyadeed oo xog ogaal ah laga soo xigtay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Denmark iyo Soomaaliya ayaa is dhaafsaday qoraallo rasmi ah, oo ku saabsan hadalki uu danhiraha Denmark ka yiri Soomaaliland, oo uu ku tilmaamay dal.
Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay hadalka danjiraha denmark, waxayna wasaaradda arrimaha dibeddu ku eedeysay xadgudub ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Safiirka Denmark Steen Sonne Andersen
ayaa la filayaa inuu maalmaha soo aaddan la kulmi doono wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, ka dib markii ay wasaaraddu u yeertay si wax looga weydiiyo hadalkii xasaasiga ahaa ee uu ka yiri Soomaaliland.