Ra’iisul wasaare Xamse oo sheegay in Axmed Madoobe uu doonayo inuu isku caana shubo
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo si kooban uga hadlay khilaafka Jubland iyo dowladda dhexe ayaa sheegay in hoggaanka maamulkaasi uu faraha kula jiro fulinta qorsheyaal aan dan u ahayn ummadda Soomaaliyeed iyo qaranka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in hoggaamiyaha jubblaand uu qeyb ka ahaa shirarkii lagu jaangooyay in dalka laga qabto doorasho midaysan oo qof iyo cod ah,balse markii fulintii heshiiskaas la gaaray uu isaga baxay golaha wada-tashiga qaranka, islamarkaana uu diiday wax kasta oo laysku dayay in madasha loogu soo celiyo.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ugu dembayn sheegay in Axmed Madoobe uu doonayo inuu isku caana-shubo, islamarkaana uu qeyb ka yahay qorshe la doonayo in Xukuumadda Federaalka lagu rido.
wuxuu intaa ku daray inaan Madaxweynaha Jubbalaand haysan wax sharciyad ah oo uu doorasho ku qabto, ama deegaanka ku sii maamulo, maadaama intii jeer uu dastuurku u oggolaa uu soo dhammaystay, wuxuuna sheegay inaan waxa hadda Kismaayo ka socda la aqbali karin.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jublaand uu gaaray uu meeshii ugu xumayd, islamarkaana Jubbalaand ay billowday hannaan doorasho muddo gaaban lagu soo gaban gabaynayo.