In ka badan 22 qof oo Soomaali oo ku dhintay xeebaha Madagascar
In ka badan 22 qof oo Soomaali ah ayaa ka dhintay laba doomood oo ku qalibmay xeebaha jasiiradda Madagascar, halka ku dbowaad 50 kalena la soo badbaadiyay sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Dadkan oo tiradooda lagu sheegay 70 qof ayaa saarnaa laba doomood oo aan la xaqiijin halka ay ku socdeen, ayaa 48 kamid ah hadda lagu dawaynayaa dalkaas madagascar, halka 22 kalena ay geeriyoodeen.
Safiirka Soomaaliya ee midowga Afrika danjire Cabdullaahi Warfaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dadaal dadkaas dalkooda dib loogu soo celinayo, asagoo intaa ku daray inuu socda baaritaan ku saabsan dhacdadani.
Si kastaba ha ahaatee xog dhammaystiran lagama hayo halka ay ka yimaadeen dadkan oo dhallinyaro u badan, balse waxaa la xaqiijiyay inay dhammaantood Soomaali ahaayeen.